Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaamka Federaalka Soomaaliya ayaa ka horyimid Guddigii Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda Somaliland ee uu xalay magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xueen Rooble.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in xubnaha la soo xulay aanay dhex dhexaad aheyn oo aan lagu kalsoonaan karin, lana garaneyn meelaha laga keenay, inta la gartayna ay ka tirsan yihiin Shaqaalaha Madaxtooyada, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo NISA.
Cabdi Xaashi ayaa daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ku wargeliyay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay bedeleen dhaqankii siyaasadeed ee lagu wada-joogay, islan markaana marka xiligaan la joojo lagu soo xuli jiray Guddiyada maamulada Doorashooyinka Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dalbaday in arrinta Guddiga Doorashooyinka Xildhibaanada Somaliland lagu magacaabay lasoo fara-geliyo, isagoo horey u sheegay inuu soo magacaabayo Guddigaas, balse xalay uu Ra’iisul Wasaare Rooble Magacaabay.
Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi.