Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Maamulka Puntland ayaa Maanta kulan xog-werysi ah la yeeshay Wasaaradda Maaliyadda & Bangiga dhexe ee Dawladda.
Kulanka ayaa ujeedadiisu ahaa xaaladaha Isbadalka sarifka Lacagaha taas oo ay cabashooyin kasoo gudbiyeen qaybo kamid ah shacabka Puntland.
Wasaarada Maaliyadda iyo Bangiga dhexe ee Maamulka ayaa Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka warbixin kasiiyey xaalada isbadal ee sarifka lacagaha iyo waxa uga qorsheysan waxka-qabashada isbadalkaas.
Dhinaca kale Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka waxaa uu Talo iyo tusaalaba ku biiriyey sida ugu haboon ee wax looga qaban karo Isbadelka Sarifka lacagaha, iyadda oo dhawaan la filayo in Golaha xukuumaddu go’aan ka qaadato arrimahaas.