Howlgalkan oo cagta lagu mariyay Deegaameyn sharci daro ah ayaa laga sameeyey Degaanka Ribaad oo mudoba uu ka taagnaa muran u dhexeeyay dadka reer miyiga ah, Saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa ayaa ku amray dadka deegaankan in ay joojiyaan dhismayaasha cusub si looga badbaado Dagaalada salka kuhaya muranka dhuleed.
Ciidamada ayaa sidoo kale howlgalo ka sameeyay guddaha Magaalada Hobyo, gaar ahaan xarumo dowladeed oo sifo sharci daro ah lagu daganaaa mudo dheer.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Maamulka Degmada Hobyo iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa qayb ka ahaa howlahan lagu hakinayay Deegaameynta Sharci darada ah.