Madaxweynaha Galmudug Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug kaddib safar shaqo uu ku joogay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Waxaana uu Magaalada Muqdisho uu kaga qeybgalay shirarkii madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleredyada ee lagu go’aamiyay habraaca iyo hanaanka doorashada 2020-2021.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka GM, Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Maamulka Caasimadda & qeybaha kala duwan ee bulshada.
Sidoo kale waxaa Madaxweynaha soo dhaweyntiisa Qayb ka ahaa Bulshada ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta u ah Maamulka Galmudug.