Telefishinka Press ee Iiran ayaa sheegy inay Ciiddanka Badda Iiraan ku guuleysteen inay ka hor tageen Weeraro ay Burcad-baddeed Somali ku doonayeen inay ku qafashaan Labo Markab Ganacsi oo ay Iiraan leedahay, kuwaasi oo shalay subax (Isniin) lagu weeraray Gacan-biyoodka Cadmeed ee Badda Cas.
Maraakiibta Dagaalka Iiran ee Alvand iyo Bushher ayaa la sheegay inay ka hor tageen 3 Weerar oo ay Burcad-baddeeda ku soo qaadeen Maraakiibta Ganacsiga ee Iiran, kuwaasi oo marayey Badda u dhexeysa dalalka Somalia iyo Yemen.
Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay Maraakiibtaasi ku weerareen Gacanka Biyoodk Cdmeed oo qiyaastii 46 miles dhanka Koonfureed kaga toosan Xeebta magaalladda Cadan.
Telefishinka Press TV ayaa sheegay inay Burcad-baddeeda weearrkooda koowaad wateen 8 Doonyaha nooca Dheereeya (Speed-boats), iyadoo weerarka labaad ku soo duulaan tegay 13 dooni oo aad u qalabaysan.
Ciiddanka Badda Iiraan waxay iska difaaceen weerarka Burcad-baddeeda, iyadoo Burcad-baddeeda lagu khasbay inay dib u baxsadaan, kadib, markii lagu duqeeyey Hub Culus.
Lama soo sheegin Khasaaro ka dhashay Iska-horimaadka Ciiddanka Badda Iiraan iyo Burcad-baddeeda ku dhex maray Gacan-biyoodka Cadmeed.
©Radio Dalsan