Guddiga Badbaadinta Suxufiyiinta “The Committee to Protect Journalists” ee CPJ ayaa ugu baaqday Dowladda Federalka Somalia in sida ugu dahqsaha badan loo sii daayo Tifaftiraha Wargeyska Xog-ogaal, Cabdi Aadan Guuleed iyo in loo oggolaado Wargeyska Xog-ogaal inay dib u bilaabaan Daabacadooda.
“Xariga Tifaftirhaasi iyo aamusinta mid ka mid ah Wargeysyadda ugu faca weyn Somalia waxy keeni kartaa Khatar ay Caalamka ka qeyliyaan” ayuu yiri Wakiilka CPJ ee Bariga Afrika, Murithi Mutiga.
Waxa uu intaasi ku daray in Dowladda Federlka waajib ku tahay inay muujiyan Ballanqaadkoodii ku aadanaa Xorriyadda Saxaafadda, iyo in dib-u-dhac la’aan la sii daayo Tifaftiraha Wargeyska Xog-ogaal, loona oggolaado in dib loo bilaabo Hawsha Wargeyskaasi.
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ), Maxamed Ibrahim Macallimu ayaa u sheegay CPJ inuu si toos ah ula hadlay Hay’adda NISA ee anartay xariga Tifaftiraha Wargeyska Xog-ogaal, isla markaana ay u sheegeen in Sarkaal Sare oo ka tirsan Dowladda Federalka oo aan la magacaabin inuu bixiyey Amarka lagu xiray Tifaftiraha Wargeyska Xog-ogaal, Cabdi Aadan Guuleed.
Bishan October 15-da ayey ahayd, markii ay Saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA soo xireen Tifaftirahaasi, mana kala cadda sababaha rasmiga ee loo xiray.
©Radio Dalsan