Saddex Burcad-baddeed oo bishii hore ku fashilantay inay qafaashaan Markab Xamuul ayaa shalay lagu soo wareejiyey Maamulka Puntland.
Ciiddanka Badda ee dalalka Shiinaha iyo Hindiy  ee ka hawlgala Xeebaha Somalia ayaa gacanta ku dhigay Burcad-baddeeda, xilli ay bishii hore ee April 8-dii afduuban lhayeen Markab Ganacsi oo marayey Gacanka Cadmeed, kuna sii jeeday Dekedda magaalladda Cadan ee Koonfurta Yemen.
Burcad-baddeeda oo uu ka mid ahaa Burcad-baddeed Deegaanka oo caan ah oo lagu magacaabo Aw Kombe ayaa shalay laga dejiyey Dekedda Bosaaso, waxaana lagu wareejiyey Saraakiisha Ammaanka ee Puntland.
Aw Kombe ayaa la sheegay inuu 26 jeer Maraakiib afduubtay, ka hor inta aan lagu qabanin afduubkan ka fashilmay.
©Radio Dalsan