Madaxweynaha Maraykanka ayaa hadalkaasi sheegay kadib, markii Askarigii ugu horreeyey ee Maraykan ah lagu dilo Somalia tan iyo sannadkii 1993-kii.
Waxa uu tacsideeyey Qoyskii uu ka baxay Askarigaasi, wuxuuna bogaadiyey Ciiddanka Maraykanka ee Hawlgalladda ka wada Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka Madaxweynaha ayaa soo baxay, kadib, markii Askari oo ka tirsanaa Ciiddanka Maraykanka la dilay, 2 kalena lagu dhaawacay Hawlgal  ay Ciiddankaasi ka fuliyeen Habeenkii Jimcaha ee la soo dhaafay Deegaanka Bariire oo 60-KM dhanka Galbeed kaga toosan magaalladda Muqdisho.
Dilka Askarigaasi ayaa noqday dilkii ugu horreeyey oo Askar Maraykanka lagu dilo Somalia, tan iyo wixii ka dambeeyey sannadkii 1993-kii, oo 18 Askari oo Maraykanka lagu dilay Muqdisho, lana burburiyey 2 Helikopter oo ay la socdeen.
Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa xaqiijiyey dilkaasi iyo dhaawaca 2 Askari oo mid ka mid ahaa Somali-Maraykan Turjumaan ahaa.
AFRICOM waxay kaloo sheegtay inay Ciiddanka Maraykanka taageero siinayey Ciiddanka Dowladda Federalka, kuwaasi oo weerar ku qaaday Fariisin ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku leeyihiin Gobalka Sh/hoose.
Hawlgalkaasi ayaa qeyb ka ahaa Qorshaha Hawlgalka Milliteriga Maraykanka ee ay ka wadaan gudaha Somalia, iyadoo Madaxweyne Trump bishii March amray in la kordhiyo Hawlgalladda duqeynta ee ay Maraykanka la beegsanayaan Dagaalamayaasha Alshabaab.
©Radio Dalsan