Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirka 71-aad ee Golaha Guud ee QM uga socda magaalladda New York, wuxuuna xusay inay boqol kun oo Qaxooti Soomaali ah loo dhamaystiray Dukumentiyaddii ay dib ugu laaban lahaayeen Somalia.
Waxa uu tilmaamay inay Qaxootigaasi iskooda u go’aansadeen inay ugu laabtaan Somalia, isagoo intaasi raaciyey inay 27,000 oo Qaxooti ah horey ugu laabteen Somalia.
“Waxaan rumeysanahay inay muhiimadda tahay Dib-u-dhiska Somalia si ay Qaxootiga ugu soo laabtaan” ayuu yiri Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya,
William Ruto waxa kale oo uu ugu baaqay Beesha Caalamka inay Dowladda Federalka Somalia kala shaqeeyaan Hawlaha Dib-u-dhiska, Soo-celinta Adeegyadda si loo taageero Hawlaha Dib-soo-celinta iyo Dib-u-dejinta dadka ka soo laabanayo Xeradda Qaxootiga Dhadhaab.
Mar uu ka hadlayey Hawlgalka AMISOM waxa uu tilmaamay inay door khatar ah ka qaateen Deganaanshaha Somalia iyo ilaalinta Ammaanka dadka ku soo laabanayo Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.
Si kastaba ha ahaatee, William Ruto ayaa noqday Siyaasigii Kenyaanka ee ugu horreeyey ee ku dhawaaqay Dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida ku jirta Xerada Dhadhaab, kuna eedeeyey inay khatar dhinaca Ammaanka ku yihiin Kenya.
©Radio Dalsan