Warbixin Cusub oo ay Xafiisyadda QM ee Hawlaha Samafalka Aadminimadda Somalia si wadajir ah uga soo saareen magaalladda Muqdisho ayey ku sheegeen in Shan milyan oo qof oo Somali ah oo u dhiganta in ka badan 40% Tirada Guud ee Soomaalida inaysan haysanin Cunto ku filan oo ay quutaan.
Warbixinta oo ay soo saareen Xafiiska Qaxootiga ee Xiriirinta Hawlaha Samafalka (OCHA) iyo Xiriiriyaha Hawlaha Samafalka ee Somalia ayaa lagu sheegay inay in ka badan 300,000 oo carruur da’dooda ka hooseyso 5 jir ay haysato macluul daran oo ay ku jiraan in ka badan 50,000 oo Carruur oo aad u tababar daran, una fuuq-baxay.
Xiriiriyaha QM ee Hawlaha Samafalka Somalia, Peter de Clercq ayaa sheegay in Saaxiibada Samafalayaasha diyaar u yihiin inay kordhiyaan taageerdda loo fidinayo Qoysaska la halgamayo sidii ay u heli lahaayeen cunto-maalmeedkooda.
Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee AM 9FAO0 ayaa horey u shaacisay inay in ka badan 1.1 milyan oo qof oo Soomaali ah aysan si joogto ah cunto u helin maalin kasta, halka 3.9 milyan oo kale codsanayaan in laga taageero Hab-nololeedkooda si loo yareeyo Khatarta ku soo fool leh.
Xaaladaha Cuntada iyo Nafaqo-darradda ayaa la sheegay inay dhibaato u geysatay 1.1 milyan oo qof oo ka mid ah Dadka ku barakacay gudaha Somalia.
©Radio Dalsan