Beesha Caalamka oo war kasoo saartay Shirka Wadatashiga qaran ee dhawaan furmi doona

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa waxay u arkaan shir-madaxeedka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya – Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho in uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya.

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa ku bogaadiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble qabashada shirkan waxaana rajeynaynaa in uu sii hoggaamin doono geedi-socodka doorashada, oo ay ku jirto amniga doorashada.

Waxa ay tilmaameen inay soo dhoweynayaan ballanqaadka dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee ka-qaybgalka shir-madaxeedka si shuruud la’aan ah.

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa ugu baaqay dhamaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah inay sameyaan tanaasul wax-ku-ool ah si heshiis dhakhso leh loo gaaro, dalkuna uu si dhakhso leh u qaban-qaabiyo doorashooyin ku saleysan Heshiiskii 17kii Sebtember.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor