Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay dhismaha maamul goboleedka Hirshabeelle oo Madaxweynaha maamulkaas iyo ku xigeenkiisa toddobaadkan lagu doortay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Qaramada Midoobay,Midowga Afrika,Midowga Yurub,IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden iyo United Kingdom waxa ay si diiran ugu soo dhoweeyeen dhamaystirka shirkii ka socday magaalada Jowhar kaasoo madaxweyne loogu doortay Cali Cabdulaahi Cosoble halka Madaxweyne ku xigeen loo doortay Cali Cabdullaahi Xuseen.
Beesha caalamka ayaa ugaga mahadcelisay dowlada Soomaaliya sida ay dadaalka xoogan u gelisay dhamaystirka maamulada federalka ah ee dalka iyo qeybtii muhiimka ahayd ee uu urur goboleedka IGAD ka qaatay.
Warsaxaafadeed ay soo saareen beesha caalamka ayaa loogu baaqay Maamulka cusub ee Hirshabelle in uu kooxaha ka maqan weli maamulka inuu ku soo biiriyo isla markaana uu si hugnaan ah u soo dhiso Aqalka Sare iyo doorashada Baarlamaanka federalka.
“Maamulka cusub waa inuu u hogaansanaadaa sharciyada iyo heshiisyadii hore ay u gaareen maamul goboleedyada sida soo xulista ergada baarlamaanka iyo in la sii daayo qoondada haweenka ee hore loogu heshiiyay ee ahaa boqolkiiba soddon,”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay beesha caalamka.
Waxay sidoo kale beesha caalamka ugu baaqday maamulka cusub in uu dadaal xoog leh u galo sidii dadka qabanaya xafiisyada maamulka ay u noqon lahaayeen kuwo sumcad ku leh bulshada dhexdeeda.
“Welcome to HirShabelle – Soo dhowoow”ayuu yiri wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Michael Keating. “Beesha Caalamka wax ay diyaar u tahay inay taageerto maamulka cusub iyadoo maamulkana looga baahan yahay in uu dhamaystiro qorshayaasha uu ku doonayo in uu ku horumariyo bulshadia”.
Warkan ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo shalay uu la kulmay Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble madax ka tirsan Qaramada Midoobay, waxana uu maanta booqasho ku tegey Madaxweyne Cosoble magaalada Beledweyne oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee uu maamulkan ka kooban yahay.
©Radio Dalsan