Qaramada Midoobey, IGAD, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa tilmaamay in ay ixtiraamayaan Madax-banaanida Soomaaliya, kadib markii dowladda ay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay u sheegtay in aysan soo faragelin Arrimaha gudaha.
Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen Qaramada Midoobey, IGAD, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa waxaa ay ku sheegeen inay xushmeynayaan qaranimadda Soomaaliya iyo midnimada dhulka, iyagoona ka hadlay khilaafka doorashada.
Waxaa ay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqeen inay dib ugu laabtan wada-hadalada, si xal buuxa looga gaaro khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya.
Qaramada Midoobey, IGAD, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa u sheegay Madaxda Soomaalida in muhiim ay tahay inay xal u raadiyaan caqabadaha ku hor gudban doorashada, isla markaana aan la qaadin wax kasta oo keeni kara dib u dhac.
Sidoo kale waxaa ay ka digeen in la qabto doorasho hal dhinac ama mid isbarbar socota iyo muddo kororsi ay sheegeen inay halis ku tahay xasilloonida Soomaaliya, iyagoona xusay in la dardar-geliyo heshiiskii 17-kii September, loona maro hanaanka doorashada.
Si kastaba Beesha Caalamka ayaa cadaadis xoogan ku saareysa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada inay heshiis ka gaaran khilaafka ka taagan doorashada, sidoo kalena la qabto doorasho heshiis lagu wada yahay.