Dowladaha Masar iyo Burundi oo kala saxiixday heshiis Cusub

Dowladda Masar ayaa sheegtay inay heshiis dhanka iskaashiga militerga la saxiixatay dowladda Burundi oo ka mid ah dowladaha uu maro wabiga Nile.

Afhayeenka ciidamada Masar, Taamir al-Rifaaci ayaa sheegay in abaanduulaha ciidamada Masar Maxamed Fariid iyo taliyaha ciidmada Burundi Prem Nyongabo ay ku kulemeen magaalada Qaahira iyagoo kawada hadlay iskaashiga militeri ee labada dal.

Labada dhinac ayaa wada hadalada kadib kala saxiixday  iskaashi militeri oo ay ku jiraan tababaro iyo isweydaarsiga khibradaha kala duwan ee labada dal.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo maalmo ka hor Masar iyo Uganada  kala saxiixdeen heshiis ku saabsanaa iskaashiga amniga iyo sirdoonka.

Dowladda Masar ayaa walaac badan ka qabta mashruuca biya xireenka Itoobiya, waxeyna dadaal badan ku bixineysa sidii ay uga hortegi leheed dhameystirka biya xireenka oo laga yaabo inuu saameyn ku yeesho saamiga biyaha Masar ee wabiga Nile.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor