Dhageyso:-Musharax Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow oo lacag ugu deeqayo dadka ku dhibaateysan Baladweyne baaqna u diray Xukuumadda

 

Musharax xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa goordhow Saxaafada kula hadlay magalada Muqdisho,isaga oo aad uga xumaaday dhibaatada xilligaan heysata Shacabka Magalada Baladweyne.

Fatahaad uu sameeyey Wabiga Shabeelle ayaa dhammaan saameeyey Bulsahda Magalada Baladweyne waxaana dhammaan barakacay dadka ku nool Magalada Baladweyne,iayda oo aysan jirin illaa iyo hadda dad u gurmaday.

Musharax xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa ka codsaday Dowladda Soomaaliya,ganacsatada Soomaaliya in dadkaasi loo gurmado.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayuu ugu abaqay in ay Wafdi u dirto Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiran,isla markaana deeq lacageed uu ugu talo galay dadka dhibaatada ku heysato Baladweyne uu ku warejin doono Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo guddiga dowladda Soomaaliya ay u Magacaawday arrinta Magalada Baladweyne.

Hoos Ka Dhageyso  Codka Musharax Xildhibaan Isaaq Ibraahim Yaroow.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media