Idaacadda FANA ee taabacsan Dowladda Ethiopia ayaa shaacisay inay Mudanayaasha Barlamaanka Federalka ee dalkaasi maanta si wadajir ah u ansxiyeeen in la qaado Go’aankii Ra’isul-wasaare Abi Axmed ku qaaday Xukunkii Degdegga ee dalkaasi lagu soo rogay bishii Feberaayo ee sannadkan.
Sabtidi ila soo dhaafay ayey Golaha Wasiiradda ee dalkaasi ka hadleen Xaalladda Ammaanka iyo sidii loo soo celin lahaa Amarka iyo Kala-dambaynta, iyadoo Ra’isul-wasaare Abii Axmed horey u ballan qaaday in la qaadi doono Xukunka Degdeggam mar uu socdaal ku soo maray Goballadda dalkaasi.
Dowladda Ethiopia waxay 4 bilood ka hor soo rogtay Xukunka Degdeg ah oo 6 bilood ah, kadib, markii ay dhaceen Dibadbaxyo rabashado watay, taasi oo ugu dambeyntii keentay inuu is-casilo Ra’isul-wasaarihii hore ee dalkaasi, Hailemariam Desalegn.