Taliyayaasha Sirdoonka ee Bariga iyo Bartamaha Afrika oo kulan ka yeelanayo cabsida Alshabaab

Taliyayaasha Hay’addaha Sirdoonka ee dalalkaasi ayaa lagu wadaa inuu berrito oo Talaado ah Shirweyne uga furmo caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

Shirweynahaasi ayaa la sheegay in looga hadli doono qaababka wadajirka ee looga hortagayo cabsida Alshabaab ku hayaan Gobalka.

Waxaa kaloo Ajendaha muhiimka lagu eegi doonaa cabsida sii socota ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku hayaan dalalka Gobalka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Amina Mohamed ayaa sheegtay in Kulankaasi lagu wadaagi doono cabsida taagan.

Kulanka Madaxda Hay’addaha Sirdoonka ee dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, Burundi, Rwanda iyo Kongadda Dimuqraadiga ee DRC ayaa waxa uu ku soo beegmay iyafoo Ilo dhinaca Sirdoonka sheegeen in laga yaabo inay Dagaalamayaasha Alsshabaab ku biiraan Dagaalamayaasha Dowladda Islaamiga ee Daacish ee ka dagaalama dalalka Syria iyo Iraq.

Wargeyska The Daily Mail ee ka soo baxa magaalladda London aya dhawaan qoray inay Alshabaab jari doonaan xiriirka ay Alqaacida la galeen sannadkii 2012-kii, kuna biiri doonaan Kooxda Daacish.

Bishii May ee sannadkan, Wakiil ka tirsan Daacish oo lagu magacaabo Hamil Al-bushra ayaa warqad casuumaad ah u soo diray Hoggaamiyaha Alshabaab, Abu Ubaidah, kuana casuumay inay ku so obiiraan Daacish.

Abu-bushra waxa uu bogaadiyey Walaalaha ku sugan gudaha Somalia, wuxuuna ugu baaqay inay weeraraan dalalka Kenya, Ethiopia iyo Tanzania.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor