Shirweynihii 44-aad ee Bangiga Horumarinta Islaamka (Islamic Development Bank) ayaa dhawaan lagu qabtay magaalladda Maraakish ee dalka Morooko, kaasi oo looga hadlay Maalgelinta dalalka Islaamka ee ay dhibaatooyinka ka jiraan.
Shir-sannadeedkaasi waxaa feer socday Munaasabad uu Bangiga Horumarinta Islaamka ku saxiixay Kaalmo dhaqaale oo dhan 3 million oo Dollar oo la siinayey Somalia, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Calaamiga ee DFS, Dr. C/raxmaan Ducaale Bayleh goobjoog ka ahaa munaasabadaasi.
Wasiir Bayleh waxa uu soo dhaweeyey Deeqdaasi, isagoo sheegay inay Dowladda muhiimad siinayso Dib-u-dhiska Kaabayaasha iyo Adeegyadda Bulshadda.
Dhinaca kale, Bangiga Horumarinta Afrika oo qeyb ka ah Sanduuqa Kaabayaasha Somalia waxay soo dhaweeyeen Heshiiska Bangiga Horumarinta Islaamka ee Kaalmadda loogu deeqay Somalia.
Lacagtaasi Kaalmadda waxaa si toos ah loogu shubay Sanduuqa Kaabayaasha Somalia (Somalia Infrastructure Fund (SIF), kaasi oo la asaasay bishii October ee sannadkii 2016-kii, si loo taageero Dhismaha Nabadda iyo Dowladnimadda, Horumarinta Kaabayaasha iyo Soo-kabashadda Dhaqaalaha Somalia .
Tan iyo markii uu hawlgalka noqday Sanduuqa SIF waxaa taageero dhaqaale ku soo shubay dalalka Maraykanka, Britain, Talyaaniga, Midowga Europe, Bangiga Horumarinta Islaamka iyo kan Horumarinta Afrika.
Qaar ka mid ah Dhaqaalahaasi waxaa loo adeegsaday maalgelinta 3 Mashruuc oo haatan ka socda Somalia, kuwaasi oo kala ah:
- Wanaajinta Helitaanka Biyaha iyo Adeegga Cafaimaadka ee Somalia oo ay ku baxayso lacag dhan 10.6 million oo Dollar.
- Xoojinta Hay’addaha Shaqooyinka Dadweynaha oo ay ku baxayso lacag dhan 7.8 million oo Dollar,
- Taageeridda Wejiga 1-aad ee Hay’addaha Dhaqaalaha iyo Maamulka Maaliyadeed ee Dowladda oo loo qoondeeyey lacag dhan 7.8 million oo Dollar.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa kaloo jira 3 Mashruuc oo dheeraad ah oo lagu maalgelinayo lacag dhan 82 million oo Dollar, taasi oo haatan la diyaariyey Fulinteeda iyadoo la raacayo Jadwalka shaqo ee Sanduuqa Kaabayaasha Somalia ee SIF.