Ban Ki-moon, oo cambaareeyey Weerarkii ay Alshabaab ee Saldhigga AMISOM ee Deegaanka Leego

Hadal Qoraal oo uu soo saaray Afhayeenka QM ayaa sheegay inuu Ban Ki-moon si xoog leh u cambaaraynayo weerarkii lala beegsaday Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Ban Ki-moon tacsi u diray Ciiddankii Nabad-ilaalinta Burundi ee naftooda ku waayey, iyadoo taageero ka geysanayo sidii Nabad loogu soo dabaali lahaa Somalia.

Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon waxa uu mar kale xaqiijiyey inay  QM sii wadayso inay kala shaqeeyaan Ururka Midowga Afrika iyo Taliska  AMISOM sidii dadka iyo Dowladda Somalia looga taageeri lahaa Hawlaha Nabadda Somalia.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee QM uga wakiilka ah Arrimaha Somalia, Nicholas Kay aayaa isagana cambaareeyey Weerarkaasi, wuxuuna ciiddanka Burundi ku  tilmaamay Nadad-ilaaliyayaal Geesiyayaal ah.

Waxa uu intaasi ku daray inay Taliska AMISOM iyo Ciiddanka Ammaanka Somalia ka taageerayaan dadaalkooda ku aadan si  ay uga guuleystaan Alshabaab iyo dhismaha Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

© Warqabadka Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor