Awaamiir lagu soo rogay Shacabka Magalada Garoowe

Maamulka Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Putland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa uu amar Cusub ku soo rogay Shacabka ku nool Magaaladaas.

Xoghayaha dowladda hoose ee caasimadda Garoowe Maxamuud Cali Xassan (Guray) oo Maanta oo Axad ah Warabahinta kula hadlay Garoowe ayaa shacabka ku amray inay ilaaliyaan bilicda iyo nadaafadda magaalada.

Waxa uu ku  amray dallaaliinta dhulka iyo xarumaha nootaayooyinka, in ay iska’ diiwaan-geliyaan xafiiska dowladda hoose, si ay u helaan aqoonsiga degmada,isaga oo sheegay in aysan shaqeyn doonin cid aan ka diiwaan-geshaneyn dowladda hoose.

Sidoo kale waxa Xoghayaha dowladda hoose ee caasimadda Garoowe uu sheegay in Maamulka Magalada Garoowe uu burburiyay Sandaqado si sharci darro ah wadooyinka looga dhistay,waxaana uu uga digay dadkii laga bur buriyay inay markale dib u dhistaan.

Tallaabadaan ayuu sheegay in looga gol leeyahay bilic soo celinta Magalada Garoowe,kadib doorashadii Madaxweynaha Cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor