Madaxweynihii hore ee Suudaan oo xabsi loo taxaabay

Cumar Xasan Al-bashiir oo  Khamiistii hore laga tuuray talada dalkaasi ayaa la sheegay in loo gudbiyey Xabsiga Dhexe ee Kobar oo ku yaallaa caasimadda dalkaasi ee Khartuum

Xubno ka tirsan Qoyskiisa ayaa waxay Wakaalladda Wararka REUTERS la wadaageen in Albashiir  saqdii dhexe ee xalay Al-bashiir laga saaray Xabsi-gurigii lagu hayey, isla markaana loo gudbiyey Xabsiga Kobar oo ah kan ugu weyn dalkaasi.

Dhinaca kale, Golaha Milliteriga ee haya Talada dalka Suudaan welli kama aysan hadlin warka ku aadan in Albashiir laga saaray Dhismihii lagu ilaalinayey, loona gudbiyey Xabsiga.

Mana kala cadda in Madaxweynihii hore ee dalkaasi la soo maxkamadayn doono iyo in kale iyo waxa uu noqon doono Mustaqbalka Albashiir oo Talada dalkaasi hayey laga soo bilaabo 30-kii bishii Juun ee sannadkii 1989-ki ilaa bishan April 11-da ee sannadka 2019-ka.

Dowladaha Reer Galbeedka waxay u ololeynayaan in Albashiir loo gudbiyo Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda ee ICC ee magaalladda Hayg ee dalka Holland, oo horey u sheegtay inay ku soo oogi doonaan dacwado ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, oo ay ka mid tahay xasuuq ka dhacay Gobalka Daarfuur ee Galbeedka dalka Suudaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media