Dowladda Soomaaliya oo dagaalka Al shabaab u isticmaali doonta Drones

Ciidanka dowladda soomaaliya ayaa waxaa markii ugu horeysay ay Al Shabab, kula dagalami doonaan diyaaradaha Kaligooda iskaxeeya ee Drones-ka.

Afhayeenka wasaarada amniga dowlada somaliya, Maxamed Yuusuf, ayaa wakalada wararka ee dalka Shinaha ee Xinhua, uxaqiijiyay in diyaaradahaasi ay dowladda soomaaliya ku caawin doonaan wadamada saxiibada la ah soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu Afhayeenka uu sheegay in ay ciidamada dowladda soomaaliya ay isticmaali doonaan Technology-yada cusub oo ay kula dagalami donaan Al Shabab, waxaa kale oo hadalkiisa uu siiraaciyay in dowladaha ciidamada ay ka joogaan soomaaliya ay la kashan doonaan.

Dowladda Mareekanka, ayaa ciidamanka AMISOM, ka tageera dhanka diyaaradaha, waxaana ay si toos ah waqtiyada qaar kaga qeyb qataan dagaalka Al Shabab ay kula jiraan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor