Madaxweynaha Puntland oo Amar ku joojiyay lacago la siin jiray Hay’adaha & Shirkadaha

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu joojiyay lacago lasiin jiray hay’adaha kala duwan ee Maamulkaas oo kala ahaa kuwa curaaraha iyo khadmadaha la siin jiray hay’adaha dowladda ee madaxa-bannaan iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Wareegtada oo ku taariikheysan 2-adii Bishaan ayaa waxaa la ogeeysiiyay Wasaaradda Maaliyadda,Xisaabiyaha iyo Hanti dhowraha Puntland.

Waxaana la faray inay joojiyaan bixinta lacagaha curaaraha iyo khadmadaha la siiyo Hay’adaha Maamulka iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Maamulka la Shaqeeya,kadib markii la awoodi waayay mushaaraadka lasiiyo Ciidamada iyo Hay’adaha rayidka.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor