Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Dr. Axmed Abuu Al-qeyd ayaa sheegay inay Somalia u soo direen Wafdi ka socda Xoghaynta Ururkaasi, kuwaasi oo soo qiimeyn doonaa Xaalladda Ammaanka Somalia, ka hor Xilliga la qabanayo Doorashooyinka Barlamaanka iyo Madaxtinimadda Somalia.
War-saxaafadeed uu Al-sayid Maxamuud Cafiifi oo ah Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta shalay soo saaray ayuu ku sheegay in uu Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta muhiimad ballaaran siinayo sidii loo taageeri lahaa Hay’adda Dowladda ee Somalia “ ayuu yiri Afhayeenka.
Waxa uu sheegay inay Wafdiga ka socda Ururka Jaamacadda Carabta la kulmi doonaan Madaxweynaha Dowladda Federalka ,Xasan Sheekh Maxamuud, Mas’uuliyiinta Xafiisyadda Hay’addaha Caalamiga iyo kuwa Urur-Gobaleedyadda ku leeyihiin magaalladda Muqdisho.
Sidoo kale, Wafdigaasi waxay la kulmi doonaan Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Somalia Taageeradda Dhakhaatiirta Carabta ugu talagaleen Isbitaalladda iyo Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Muqdisho.
©Radio Dalsan