Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa Goordhow qof shacab ah ku dilay mid kalena ku dhaawacay Agagaarka Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in Askariga dilka geystay iyo qof shacab ahaa ee Geeriyooday uu marka hore soo kala dhexgalay muran,hayeeshee markii dambe uu toogtay.
Sidoo kale Askarigaas ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa qof kale oo shacab ahaa ku dhaawacay Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho,waxaana qofka loo qaaday Mid kamid ah goobaha Caafimaadka ee Muqdisho.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayan in Askariga falka iusgu jiray Dilka iyo dhaawaca geystay uu goobta si deg deg ah uga baxsaday,waxaana Isgoyska Tarabuunka fariisimo ku leh Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ayaa xiliyada qaar Askarta ka tirsan Ciidanka dowladda waxaa ay dilal kala duwan ugu geystaan dadka shacabka iyo Darawalada kaxeeysa Mooto Bajaajta.