Aqoonyahan Dr Xasan Xeyle oo ka faalooda arimaha siyaasada Somalida iyo Carabta kuna sugan dalka Sacuudiga ayaa wareysi uu siiyay Redio Dalsan waxa uu kaga hadlay Fursadaha horyaala Madaxweyne Farmaajo iyo caqabadaha uu wajahayo.
Dr Xeyle ayaa sheegay in caqabada koowaad ay tahay nidaamka federaalisamka oo uu sheegay in taasi ay dhibaato ku noqon doonto in dowladiisa ay talaabo hormarineed qaado waxaana uu soo jeediyay in la joojiyo ooraahda Madaxweyneyaasha Maamul-Goboleedyada.
Madaxweyne Maxamed C/llahi Faraajo ayaa xafiiska la wareegay 16-kii bishan waxaana iminka uu ku howlanyahay wadatashiyo la xiriira magacaabista Raisul Wasaaraha.
Halkan ka dhageyso Wareysiga Dr Xasan Xeyle: