Aqoonyahan u dhaq dhaqaaqa xuquuqda Oromada oo beeniyey inay Dowladaha Somalia, Ethiopia iyo Eritrea ku heshiiyeen inay hal Waddan noqdaan

Jawar Maxamed oo  ku nool magaalladda Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa ka hadlay doorkii Dowladihii Ethiopia ku lahaayeen Faragelinta Somalia iyo Isbedelka Siyaasadeed ee haatan ka hanaqaaday dalka Ethiopia.

Aqoonyahankaasi oo ah Agaasimaha Fulinta ee Shabakadda Wararka ee Oromia Media Network waxa uu Barta uu ku leeyahay Twitter-ka kaga hadlay  Heshiiskii Is-fahamka ee dhex maray Madaxda dalalka Somali,a Ethiopia iyo Eritrea.

Waxa uu xusay inaysan Hoggaamiyayaasha ku heshiinin inay la isku daro dalalkooda, si ay u noqdaan Hal Waddan.

Waxa kale oo uu sheegay  inay Madaxdaasi isku af-garteen inay yeeshaan  Iskaashi dhow ee dhinacyada Dhaqaalaha iyo Ammaanka.

Dhinaca kale,  waxa uu ku eedeeyey in Maamulkii Weyame (Tigreega) horey u maalgeliyeen wax aan qiimo lahayn, balse aysan Wayame mar kale u soo laaban doonin si ay u taageeraan Deganaansho La’aanta Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor