Dhageyso:-Dowladda Soomaaliya oo shaacisay waxyaabaha hakiyay bixinta baasaboorka

Maalmihii la soo dhaafay waxaa taagneed cabasho Shacabka Magalada ka qabeen in uu istaagay bixinta baasaboorka Soomaaliga,hayeeshee dowladda Soomaaliya ay sheegtay in xal laga gaaray.

Agaasimaha Hay’adda Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan(Koofi) ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameynayay hababka loo bixiyo baasaboorka.

Sidoo kale Agaasime Koofi ayaa sheegay in la dhameeyay Dhismaha Cusub ee Xarun lagu bixinayo Baasaboorka taasina ay keentay in uu hakad galay,hayeeshee Maanta ay dib u bilaawdeen.

Dhageyso Codka Agaasimaha waaxda Socdalka iyo Jinsiyadaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor