Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta qaraar ugu codeeyay in waxba kama jiraan uu yahay heshiiskii Qarniga waxa uu ugu yeerey Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo tilmaamaaya in uu san jirin wadan la yiraahdo Falastiin.
Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee dalka ayaa cod gacan taag ku ansiyay qaraarka ka dhanka ahaa heshiiskii Qarniga, isla markaana meel uga dhacaya Madaxbanaanida Falastiin.
Dhinaca kale Golaha Aqalka Sare ayaa Maanta dood ka yeeshay Ajendayaasha kala ah Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed iyo Hindise-sharciyeedka Dooroshooyinka Qaranka ee heer Federaal.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Eng. Cabdullahi Cali Xasan iyo Masuuliyiin la socday ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare ee BFS si ay wasaaradda uga hor akhriyo warbixinta Akhrinta 1aad Hindise -sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.