Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqyan cusub lala bartilmaameedsaday Saldhig Al-Shabaab ay lahaayeen oo ku yaalla gudaha Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in iyadoo iskaashi lala samaynayo dawladda Maraykanka duqayntaasi lagu burburiyey Saldhigii Al-shabaab, waa sida hadalka loo dhigay.
Illaa hadda lama sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay weerarkaasi ka dhacay gudaha Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Waa duqayntii labaad ee toddobaadkan gudihiis Mareykanku ka gaysto nawaaxiga magaalada Jilib, Maalintii Insiintii ayaa duqayn ka dhacday agagaarka Jilib lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab.