Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay Xarunta Aqalka Sare Kulakii 33-aad ee Kalfadhiga 6aad, waxaana Shir Guddoominayay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay welinayan ku-xigeenadiisa.
Ajendaha kulanka Maanta ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa Akhrinta 1aad ee Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeedย iyo Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Dooroshooyinka Qaranka ee heer Federaal.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Eng. Cabdullahi Cali Xasan iyo Masuuliyiin la socday ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare ee BFS si ay wasaaradda uga hor akhriyo warbixinta Akhrinta 1aad Hindise -sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.
Inta kadib Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedkan si rasmi ah loogu wareejiyay Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Golaha Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.