Xoghayaha Guud ee QM ayaa la filayaa inuu berrito booqasho ku tago caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, si uu Madaxda kala hadlo Arriumaha Gobalka.
Afhayeenkiisa ayaa sheegay inuu Guterres culayska saari doono sidii wax looga qaban lahaa Macluusha ka jirta dalalka Somalia iyo South Sudan.
Somalia waxaa soo food saartay casbi dhinaca Macluusham halka qeybo ka mid ah Waqooyiga dalka South Sudan horey uga jirtay Gaajo Daran.
Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres oo bishii January ee sannadkan loo magacaabay Xilkaasi, waxa uu ku hawlan yahay sidii loo meel marin lahaa Istaraatijiyadda cusub ee lagu soo gunaanadi karo Dagaalka 3 sanno jirsaday ee ka socda dalka South Sudan.
©Radio Dalsan