Hawlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo AMISOM ayaa sheegay in baaritaan hordhac ah oo ay sameeyeen lagu ogaaday in toddobo qof oo dhawaan ay ciidamadoodu ku dileen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ahaayeen dad rayid ah oo aysan ahayn xubno ka tirsan Al-Shabaab sidii AMISOM ay horey u shaacisay.
War-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in dhacdadaasi la baarayo isla markaana askartii geysatay dilka lala xisaabtami doono.
Egelada dadkan la laayay ayaa indhawaaleba diidanaa in la aaso meydadkooda ilaa iyo inta AMISOM ay ka qiraneyso dilka eheladooda.
AMISOM waxa ay sheegtay in baareyso wararka sheegaya in ciidamadoodu ay lahaayeen mas’uuliyadda dilka toddobadaasi qof ee rayidka ahi ee lagu dilay deegaanka Golweyn.
Sidoo kale waxay sheegtay in tan iyo markii ay arrintaasi dhacday, hoggaanka AMISOM uu la kulmay cuqaal, xubno ka tirsan bulshada iyo mas’uuliyiinta dowladda, kuwaa oo sida ay sheegaty ay u caddeeyeen in aan marnaba la aqbali karin falal dambiyeedyada ay ciidamadu u geystaan dadka rayidka ah.
AMISOM waxa ay intaasi ku dartay in baaritaanka iyo dabagalka dhacdadaasi loo saaray guddi baaritaan oo ka kooban toddobo xubnood oo durbaba billaabay baaritaankooga.
Baaritaankaasi ayaa waxaa sida ku cad war-saxaafadeedka AMISOM horkacaya sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada AMISOM iyo laba xubnood oo kale oo ka tirsan guddiga Midowga Afrika ee fadhigiisu yahay magaalada Addis Ababa.
Waxaa sidoo kale guddigaasi baaritaan xubin ka ah sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saddex sarkaal oo sar-sare oo ka kala tirsan milatariga, booliska iyo xarunta hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.