Ilaaladda Xeebaha ee dalkaasi waxay sheegeen inay gacanta ku hdigeen Dooni ay la socdeen 75 Muhaajiriin, kuwaasi oo ku sii jeeday Xeebaha dalka Talyaaniga.
Muhaajiriintan waxaa la sheegay in Jimcihii la soo dhaafay lagu qabtay, xilli ay doonidii ay ku safrayeen maraysay meel ka baxsan Badda Mediterranean Sea ee ka baxsan Xeebaha dalkaasi.
Afhayeenka Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Liibiya, Kolonel Ayuub Qaasim ayaa sheegay inay Muhaajiriinta oo la socday dooni nooca cinjirka ama rabarka ka sameeysan lagu qabtay meel 110-KM ka baxsan Galbeedka xeebta caasimadda dalkaasi ee Tripoli.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay in 75-ka Muhaajiriin ee la qabtay ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Sudan, Algeria, Moroko iyo Bangaladesh.
Waxa uu xusay inay Muhaajiriin siiyeen Gargaar Aadmimo iyo Daryeel Daaweyn ah, ka hor inta aan lagu gudbinin Xaruna Muhaajiriinta lagu hayo oo ku taalla magaalladda Zawiya ee W/Galbeed ee dalkaasi.
Dhinaca kale, Kooxda Samafalka dalka Spain ee Gacmaha Furan “Open Arms” ee taageeradda siiya Muhaajiriinta badda ku go’dooma waxay sheegeen inuu Markabkooda Badbaadada soo badbaadiyey 123 Muhaajiriin la socotay 2 dooni ka soo shiraacatay Liibiya oo ku go’doontay Badda Mediterranean Sea.
Open Arms waxay kaloo sheegtay inay Muhaajiriinta ay badbaadiyeen u raadinayaan Deked Ammaan ah oo ay ku dejiyaan.
Waddanka Liibiya waxa uu marin weyn u noqday Muhaajiriinta doonaysa inay dhanka Badda uga gudbaan Xeebaha Qaaradda Europe, iyado osafarkaasi yahay mid khatar xambaarsan.
Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriinta ee IOM waxay sheegtay inay 840 Muhaajiriin ay sannadkan ku geeriyoodeen Badda Mediterranean Sea ee ka baxsan Xeebaha dalka Liibiya.