Hadal qoraal oo ka soo baxay Taliska AMISOM ayey ku beeniyeen hadal ay Alshabaab ku sheegeen inay 5 Askar Ugndese ah ku dileen qarx miino oo Jimcihii ka dhacy Degmadda Afgooye.
Qoraalka AMISOM waxay ku qirteen in Qarax lala beegsaday ciiddankooda oo marayey Degmadda Afgooye, blse aysan jirin Askar waxyeelo ka soo gaartay Qaraxaasi, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Wxay kaloo AMISOM sheegteen in Kooxda u qaabilsan Miinooyinka ay kala furfureen, isla markaana ay burburiyeen 2 ka mid ah miinooyinka dhulka lagu aaso.
Hadalka AMISOM ayaa so obaxay, kadib, markii ay Alshabaab shaaciyeen in 5 Askari oo u dhalatay Uganda, kana mid ah Hawlgalka AMISOM ku dileen qarax miino oo ay maalintii Jimcihii kula beegsadeen Degmadda Afgooye.
©Radio Dalsan