Waqooyiga Kuurya oo saakayto ku fashilantay Gantaal ay tijaabisay.

Tijaabadani oo ka dhacday meel ka baxsan Xeebta Degmadda SINPO ee Bariga dalkaasi ayaa la rumeysan yahay inuu Gantaalku fashilmay, wax yar kadib markii loo ganay Hawada Sare, sida ay sheegeen Milliteriga dalalka Maraykanka iyo Koonfurta Kuurya.

Afhayeenka Mariniska Maraykanka, Dave Benham,  ayaa sheegay inay la socdeen Gantaalkaasi oo la tijaabiyey Waaberigii hore ee maanta oo Axad ah.

Waxa uu intaasi ku daray in inta badan Gantaalkaasi uu kala burburay, balse Dowladda Waqooyiga Kuurya kama hadlin arrintaasi.

Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, Jim Mattis ayaa sheegay inay Mdaxweyne Trump iyo Kooxda Milliteriga ku baraarugsan yihiin inta badan Tijaabadda Gantaalladda ay Dowladda Waqooyiga Kuurya ku guul-daraysatay.

Tijaabadani ayaa timid, hal maalin kadib, markii ay Milliteriga dalkaasi sameeyeen Dhoolatus ay ku soo bandhigeen Gantaalo Cusub oo Casri ah.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media