Magaalada Jilib ee Xarunta Gobolka Jubbada dhexe ayaa Al-Shabaab waxa ay Maanta ku soo bandhigeen Afar Askari oo ay ku sheegeen in ay ka soo goosteen Ciidamada Maamulka Jubbaland.
Raggaan ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Isxaaq Nuur, Xasan Nuur Xuseen, Xasan Abeyle Xoosh,Iyo Cumar Yuusuf Muuse.
Qaar ka mid ah ciidamadaas oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin ka soo tegida Ciidamada Jubbaland.
Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii Al-Shabaab ay sidaan oo kale u soo bandhieegn Saddex Askari oo ay sheegen in ay ka soo goosteen ciidamada Jubbaland.
Weli Masuuliyiinta Maamulka Jubbaland kama hadlin ciidamadaan la sheegay in ay ka soo goosteen ee isku dhiibay Al-Shabaab.