Allaha u Naxariistee Waxaa goordhow gudaha Magaalada Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyay Marxuum Cismaan Cali Badmaceeye oo ka mid ahaa Saarkiishii hore ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.
Salaadii Janaasada Marxuumka ayaa waxaa lagula dukadaya Masjidka Isbaheysiga waxaana ka qeybgalay a’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Guddoomiyaha Aqalka Sare, wasiiro, Saraakiil Ciidan iyo madax xilalal kala duwan dalka kasoo qabtay.
Haatan waxaa socda khudbado ay jeedinayan Madaxda ka qeybgashay Aaska kuwaas oo dardaraan iyo in la cafiyo Marxuumka u jeediyay dadkii ka qeybgalay Aaska.
Hoos Ka Daawo Sawirrada