Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa sheegtay Masuuliyada weerar lagu dilay Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Federaalka soomaaliya kaa soo xalay ka dhacay Xaafada howl-Wadaag ee Gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Kooxo hubeysan ayaa Askariga xalay ku dilay Baladweynewaxana dadka deegaankaa y sheegeen in kooxdii dishay ay ka qaateen Qori uu watay oo ahaa Ak47 islamarkaana ay Goobta ka baxsadeen.
War qoraal ah oo Baraha intenet-ka ay ku qoreen Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in ay ka dambeeyeen dilka Askariga ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya kaas oo ay magaciisa ku sheegen Saalax Axmed Saalax Xasan Maxaadeey,iyagoo sheegay in uu dadka dhibi jiray.
Sikastaba dilka kadib ayaa waxaa Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Xaafada Howl-Wadaag ee Magaalada Baladweyne waxa ay sameeyeen howlgal ay ku qabteen dhalinyaro farabadan oo ay uga shakisan yihiin in ay ka dambeeyaan dilkaas.