Dhageyso:-Maxaa ku soo kordhay dagaal Beeleedkii ka dhacay deegaanka Buulo-Yareey?

Deegaano u dhaxeeya Xadka ay kala qeybiyaan Gobolada Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe dhanka degmada Balcad waxaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacayay dagaalo geestay khasaao isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Daahir Cali Saalax oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee deegaanka buulo Yareey Sheekhaal oo ah halka uu dagaalka ka dhacay ayaa sheegay in ay weerar ku soo qaadeen deegaankooda Ciidamo uu watay gudoomiyaha Maamulka degmada Balcad Cismaan Maxamuud Xaadoole.

Waxa uu sheegay in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen ila 4 ruux oo labada dhinac ah waxa uuna sheegay in dagaalkas uu yahay mid u dhaxeeya laba Beelood taasina ay keentay in ay dagaalka qeyb ka noqdaan ciidamo uu watay gudoomiyaha degmada Balcad.

Sababaha ugu badan ee keenay in ay Maleehiyaadkaas wada dagaalamaan ayaa waxa uu ku sheegay in ay la xiriirto dhul daaqsin ah oo halkaasi ku yaalla.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Nabadoonka

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media