Al-Shabaab oo la sheegay in ay Caawa buux dhaafiyeen tuulooyin ka tirsan G/Hiiraan

Wararka  Radio Dalsan  Gobolka Hiiraan Caawa ka soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in tuulooyin hoostaga degmada Matabaan lagu arkay Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Darla ku nool tuulooyin hoostaga Degmada Matabaan ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Ciidamo ka tirsan Shabaab lagu arkay tuulada Madhooyo oo 25km u horta degmada Matabaan kuwaas oo ay sheegeen in qaarkood ay wadaan Gaadiidka dagaalka.

Saraakiil ka tirsan Ahlusuna Waljamaaca oo Gacanta ku haya degmada Matabaan ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamadaab Al-Shabaab ay yihiin kuwo ka soo cararay cabsi ay ka qabeen in ay duqeeyaan Diyaaradaha Mareykanka.

Caawa ayaa waxaa laga dareemayaa tuuloyinka hoostaga degmada Matabaan dhaq dhaqaaqyada ay wadaan Ciidamada Al-Shabaab oo la sheegay in ay aad u hubeysan yihiin.

Saraakiisha Ahlusuna ee degmada Matabaan faah faahin dheeraad ah kama sii bixin Ciidamadaan Shabaab ee soo gaaray tuulooyin hoostaga degmadaas, iyo qorshaha ay ka damacsan yihiin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media