Maanta ayaa qorshuhu yahay in Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho uu soo gaaro wefdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.
Wefdigaan ayaa imaanshahooda waxaa la shaaciyay maalma ka hor,waxaana ka mid noqon doona Xildhibaano ka tirsan Dowladda Jabuuti.
Gudoominayaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Arbacadii shalay waxa uu ugu baaqay xildhibaanada Federaalka in ay siweyn iga qeyb qaataan soo dhaweynta wefdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti ee Maanta imaanaya Muqdisho.
Qaban qabso lagu soo dhaweynayo ayaa haatan ka socota Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Wefdiga ayaa sida qorshuhu yahay waxay ay Maalinta Sabtida ah ee soo socota ka qeybgeli doonaan kulanka Baarlamaanka,sidoo kale waxa ay booqan doonaan Xarumaha ay ku Shaqeeyaan xildhibaanada labada Aqal.