Degmada Owdheegle ee gobalka Sh/hoose ayaa la soo sheegayaa in Al-shabab ay ku xirxireen dad ku dhow 100 qof oo u badan dhalinyaro iyo Odayaal ka mid ahaa dadkii shalay isukugu soo baxay magaalada markii ay galeen ciidamada dowladda Somaliya.
Dadka deegaanka oo diiday in magacooda iyo codkoodaba loo adeegsado Warbaahinta ayaa xaqiijayay Odayaasha la xiray qaarkood loogu tegay Guryahooda loona sheegay in loo baahanyahay.
Waxa la sheegay in dadka hada xiray ay ka badanyihiin 69-qof,Lama oga halka lagu xiray laakiin dadka deegaanku waxa ay sheegayaan Shababku ay in ay dib u dayac tiranayaan Saldhigyadii Owdheegle oo shalay ay bur-buriyeen ciidamada Dowaladda ee gaarka u tababaran.
Wararka kale ee Dalsan ay heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada AMISOM ay madaafiic ku gareeceen Degmada Owdheegle,waxana kacsan xaalada Magaalada tan iyo markii ay Galeen Shalay Ciidamada Dowladda.