Dhageyso:- Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo ka hadlay xariggii loogu geystay Boosaaso

Maxkamadda darajada 1-aad ee gobolka Bari ee Puntland ayaa xuriyaddiisa dib ugu celisay Siyaasiga Muuse Cali Jaamac siyaasiyiinta aadka looga yaqaanno deegaanada maamulkaas iyada oo xeer-ilaalinta Puntlan ay ku eedeysay Af-lagaaddo Garsoor.

Siyaasiga ayaa dhowr cisho ku xirnaa magaalada Boosaaso iyada oo maxkamadda darajada 1-aad ay dhageysatay eedda loo heysto Muuse Cali Jaamac,Guddoomiyaha makmadda ayaana ku dhawaqay go’aanka dib loogu celiyay xuriyaddiisa.

Muuse Cali Jaamac oo la hadlay Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in uu aad ugu faraxsanyahay go’aanka ay gartay Maxkamadda isla markaana isagu uusan aheyn Siyaasi duminaya Xukumadda Puntland hase’ahaate ay muhiimaddiisa tahay in la saxo qaladaadka Xukuumadda Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Siciid C/llaahi Deni.

Halkaan Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media