Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaayay Guddoomiye ku Xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, waxaana qeyb ka ahaa mudanayaal ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka, Guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, madax dhaqameed iyo ganacsato, waxaana garoonka Hobyo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.
Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa xusay inay Hobyo u tageen casuumad uu u fidiyay Madaxweynaha Galmudug, lagana wadatashanayo arrimaha horumarinta deegaanka, si loo dhiso gole deegaan.
Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo maalintii 2-aad Hobyo ku sugan ayaa qaabilay wafdigan, waxaana haatan Hobyo ka socda kulamo looga hadlayo dhismaha golaha deegaanka Degmada iyo sidii lo horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha Galmudug.