Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa Maanta ka dooday talo soo jeedin ka timid qaar ka mid ah xubnaha Aqalka Sare taas oo ku aadaneyd in in lacagta laga qaado xujeyda Soomaalida ay tahay mid qaali ah, loona baahan yahay in laga gudbo.
Wasaaradaha qaar iyo shirkaddaha duulimaadyada ayaa aad loo dhaliilay taas oo lagu sheegay in ay iyagu masuul ka yihiin.
Doodheer kadib Xildhibaanada ayaa u yeeray ilaa far Wasiir si wax looga weeydiiyo kuwaas oo kala ah.
Wasiirka Diinta iyo awqaafta Xildhibaan Dr. Iiman Cabdullaahi Cali, Wasiirka Ganacsiga Khadra Axmed Ducaale, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Maxamed Cabdullahi Salaad iyo Wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar.
Xildhibaanada aqalka Sare ayaa taageeray intooda badan Go’anka loogu yeeray Afartaas Wasiir si wax looga weeydiiyo dhibaatada dhanka dhaqaale ay ku qabaan aadista Xajka.
Qoraa Cabduqaadir Jakaarta