Waxaa Goordhow lagu soo geba gabeeyay Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Shirkii Golaha Iskaashiga ee dhowr maalmood ka socday Magaaladaas.
Shirkaas oo dhaafay waqtigii loogu talo galay in la soo gaba gabeeyo,ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban Saddex Bog oo ay Dowlad Goboleedyad uga hadleen arrimo dhowr ah.
Qodobada ugu muhiimsan Warmurtiyeedka Golaha Iskaashiga ee Maamulka Goboleedyada ayaa waxa ka mid ah In Goluhu ay sameysteen Xisbi Siyaadeed la Magac baxay horusocod(National Progressive Party) oo uu gudodomiye u noqonayo Madaxweynaha Puntland halka Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga loo Magacaabay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo in Shirweyne Qaran oo mudo Bil Gudahood lagu qabanayo Maglada Dhuusamareeb.
Sidoo kale Goluhu waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka,Urur Goboleedka IGAD,Un-ka iyo AMISOM in ay si dhow ula socdaan dhaq dhaqaaqyada iyo isbedelada amni ee ka socda dalka.
Hoos Ka Akhriso Warmurtiyeedka Golaha Iskaashiga.