Maamulka Gobolka Galgaduud ayaa wadda Qorshe la-doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaano dhowr ah kuwaas oo ay qeyb ka tahay Degmadda Ceel-buur ee Gobolkaas.
Deegaanka Ceel-qorax oo kamid ah Gobolka Galgaduud ayaa laga sameeyay Xarumo KMG ah kuwaas si-ay Saldhig ugu noqdaan Howlgaladda lagu qaadayo Al Shabaab si-looga saaro Degmadda Ceel-buur.
Munaasabadda lagu furayey Xarumahan KMG ah ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Sheekh Axmed Cali Jimcaale iyo Masuuliyiin kale oo uu kamid yahay Gudoomiyaha Degmadda Ceel-buur Nuur Xasan Guutaale.
Gudoomiyaha Degmadda Cee-Buur Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in Qorshahan Al Shabaab looga saarayo Ceel-buur muddo laga soo shaqeynaayey balse hadda ku rajo weyn yihiin siddii arrintan loogu dhaqaaqi lahaaa.
“Markaan waxaan rabnaa inay kama dambeyn inoo noqoto waxaana taggi doonaa meelaha Al Shabaab kaga sugan yihiin Degmada Ceel-buur oo muddo dheer dhibaato ku hayeen Al Shabaab” sidaas waxaa sheegay Guddoomiyaha Ceel-buur.
Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Sheekh Axmed Cali Jimcaale ayaa sheegay in leyska kaashado siddii Al Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay maamulaan.
Degmadda Ceel-buur ayaa waxaa ay muhiim tahay isku xirka Degmooyinka Gobolka Galgaduud balse waxaa haatan maamulaya Al-Shabaab,iyada oo Maamulka Galmuudg uu sheegay inay dhawaan ka saari doonaan.
Guddoomiyaha demada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale.