193 dal oo xubin ka ah Golaha Guud ee QM (The General Assembly) ayaa waxay maalintii shalay oo Jimco aheyd u codeeyeen Codsiga Falastiin ee Xubinnimada Buuxda ee QM.
Codeybtan Golaha Guud ee QM ayaa timid, kadib, markii ay dowladda Maraykanka bishii hore Diidmada Qayaxan ee VETO u adeegsatay Codeyntii Golaha Ammaanka ee QM ee Codsiga Aqoonsiga Falastiin iyo Xubinnimada QM.
Si kastaba, Codeyntii ee Golaha Guud ee QM waxaa Codsiga Falastiin taageeray 143 dal, halka ay 9 kalena oo ay ku jiraan Maraykanka iyo Israel ku gacan sayreen, iyadoo 25 dalna ka maqnaayeen Codeyntaasi.