Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa kooxo hubeysan oo Caawa bartamaha Magalada laascaanood ee Xarunta gobolka sool ugu geysteen Xoghayihii Xisbiga Kulmiye ee Gobolkaasi Sool.
Allaah u Naxariistee Maxamed Barkhadle Cabdi ayaa xilliga la dolayay waxa uu ku sugnaa afaafka hore ee Farmashi uu ku leeyahay Magalada laascaanood sida ay inoo sheegeen Wariyayaal ku sugan Magaaladaasi.
In kastoo aan sidhab ah loo ogeyn sababta loo dilay ayaa dadkii ka dambeeyey dilkiisa waxaa la soo sheegayaa in ay goobta ka baxsadeen.
Warar aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Marxuumka loo maleynayo in loo dilay aanooyin qabiil,isaga oo ka soo jeeday mid ka mid ah Beelo Gobolka Sool uu xurguf ku dhex martay.
Caawa ayaa goobtii uu dilka ka dhacay ee Magalada laascaanood waxaa ku sugan Ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan kuwa Maamulka Soomaaliland in kastoo ayansa dilkaasi dad u qaban.